Al Shababab oo afduub ka geystay Mandheera

0

Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday gaari shidaal u siday Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ee Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

 

Weerarka kadib Kooxda ayaa afduubtay nin la sheegay in uu yahay farsama-qaan la shaqeeya Shirkadda Safaricom, xilli uu ku sugnaa Degaanka Bamba Ola, qiyaas ahaan  25km dhanka waqooyi uga beegan Ceelwaaq.

Sarkiisha Ammaanka ayaa haatan wada howlgallo lagu baadi goobayo farsama-yaqaanka  iyo raggii ka dambeeyay weerarka afduubka ahaa.

Dagaal yahanada Al Shabaab ayaa sidoo kale jidka u galay gudaha u galay Laba gaari oo ka soo amabaxay Magaalada Nairobi, kuna sii jeedyay Magaalada Mandheera, waxaana su’aalo weydiiyeen rakaabkii saarnaa laada gaari.

Dalka Kenya, gaar ahaan Degaano iyo degmooyin dhaca Gobolka Waqooyi Bari waxaa inta badan ka dhaca weerar gaadmo ah oo qaarkood lagu beegsado xarumaha Ciidanka Dowladda Kenya.

Ururka Al Shabaab ayaa ku hanjabay in ay kordhin doonaan weerarada haddii Dowladda Kenya aysan kala bixin ciidankeeda gudaha dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here