Al-Sisi iyo Afwerki oo ka hadlay baahida loo qabo in la ixtiraamo madax-banaanida Soomaaliya

0

QAAHIRA [SMN] – Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah El-Sisi iyo dhiggiisa Ereteriya Isaias Afwerki ayaa Sabtidii shalay ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika, iyagoo caddeeyay in loo baahan yahay in la ixtiraamo madaxbannaanida Soomaaliya.

 

Xiisada Geeska Afrika ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii ay Somaliland bishii January ogolaatay inay 20 KM oo bad ah muddo 50 sano ah ka kirayso Addis Ababa, taasoo doonaysa inay ka samaysato saldhig ciidan iyo deked ganacsi Badda Cas.

Heshiiskan ka dib, Masar waxay sheegtay inay garab taagan tahay Soomaaliya oo ay ka taageeri doonto amnigeeda iyo xasiloonideeda, iyadoo ku nuuxnuuxsatay inay siinayso wax kasta oo ku difaacanayso madax bannaanida dhulkeeda.

Kulanka ay Al-Siisi iyo Afwerki ku yeesheen magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa labada madaxweyne waxa ay uga wadahadleen xaaladda dalka Suudaan, iyagoo si gaar ah u sheegay inay muhiim tahay in Masar iyo Ereteriya ay si wada jir ah u wada shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa mushkiladaha ka taagan gobolka Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here