Amar cusul oo lagu soo rogay gaadiidleyda magaalada Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow, ayaa kormeer ku tagay Buundooyinka iyo Wadooyinka ay saameyeen Fatahaadihii dhawaan ku Dhuftay magaalada Beledweyne.

 

Guddoomiye Sufuroow ayaa ku amray gaadiidleyda in aysan marin waddooyinka burbursan ilaa la dayactirayo, isagoo carabka ku adkeeyay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku xad gudubta go’aankan.

Guddoomiyuhu intii uu kormeerka ku jiray waxa uu yiri: “Doorkayanu waxa in aanu dhegaysanno baaqyada dadka ku dhaqan magaalada, waxaanan ku dedaali doonaa sidii aanu si degdeg ah u hirgelin lahayn.”Go’aankan ayaa salka ku haya baaqyo ka soo yeeray shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyn, kuwaasi oo dalbaday in la joojiyo dhaq-dhaqaaqa gaadiidka ee waddooyinka saameynta ka soo gaaray fatahaadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here