Amarkii kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir oo ka dhaqan-galay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Amarkii horay uga soo baxay maamulka gobolka Banaadir ee ah jadwaleynta Mootooyinka Bajaajta ee A iyo B ayaa maanta si rasmi ah uga dhaqan-galay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

 

Saaka oo Khamiis ah, kuna beegan 25 May, 2023 ayaa waxaa kaliya shaqeynaya mootada A, kuna midabeysan kalarka jaalaha, halka maalinta berri ah ay shaqeyn doonto B oo iyadana ku midabeysan kalarka buluuga ah.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in ciddi jabisa go’aankan la ganaaxi doono lacag dhan 100 dollar.

Amarkan ayaa waxaa markii hore walaac ka muujiyay Bajaajleyda, basle waxaa ku adkeystay maamulka gobolka Banaadir oo ugu dambeyn maanta dhaqan-geliyay

Arrintan ayaa waxaa looga gol-leeyahay in lagu xakameeyo mootooyinka, lagu yareeyo ciriiriga xoogan ee ka jira waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here