Amiir oo la kulmay taliyaha booliska iyo guddoomiyaha maxkamadda G/Banaadir

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Amiir iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa kullan looga hadlayey xoojinta wada-shaqeynta Boliiska iyo Maamulka Gobalka ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

 

Hambalyo iyo Bogaadin ayuu ugu horeyn Taliyuhu la wadaagay Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir,waxaana uu kulanka ka sheegay inuu diyaar la yahay is waafajinta qorshayaasha amaan ee Boliiska iyo maamulka cusub ee Gobalka Banaadir si kor loogu qaado amaanka Caasimadda Dalka ee Muqdisho iyo guud ahaan Gobalka Banaadir.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi uga mahadceliyey soo dhaweyntiisa waxaana uu ku bogaadiyey isbadalada amaan ee Boliiska ka muuqda mudada kooban ee Taliyuhu xafiiska joogo , waxaana uu balan qaaday in wada-shaqeyn joogta ah yeelanayaan si looga baaqsado dal daloolkasta oo ragaadin kara amaanka guud ee Dalka gaar ahaan kan Gobalka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here