AFGOOYE (SMN) – Agaasimaha guud ee wasaaradda amniga Koonfur Galbeed Maxamed Yaasiin Cabdullahi oo ku sugan degmada Afgooye ayaa u kuurgalay xaaladda ammaan ee degmadaasi, isaga oo la kulmay saraakiisha ammaanka, maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Agaasimaha ayaa sheegay in si weyn loo adkeeyay amniga, si looga hortago weerarada Al-Shabaab iyo falalka ammaan darrida ee ka dhaca magaaladaasi.
Sidoo kale wuxuu farriin u diray dadka deegaanka, isaga oo ugu baaqay inay nabad-gelyada kala shaqeeyaan Booliska degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Afgooye ayaa waxaa marar badan soo weeraray xubnaha Al-Shabaab, waxaana sidoo kale ka dhaca dilal qorsheysan, kuwaas oo dadkii ka dambeeyay aan lasoo qaban.