Aqalka Sare oo Kormeeray Xarunta SoDMA Xilli Abaartu Ay Saameyn Ba’an Ku Yeelatay Dalka

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Aqalka Sare ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), iyagoo qiimeyn ku sameeyay howlaha hay’adda iyo xaaladda bani’aadantinimo ee dalka.

 

Xubnaha Guddiga oo uu halkaas ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa markii hore ka dhageystay warbixin dhammeystiran oo ku saabsan shaqooyinka hay’adda, waajibaadkeeda, caqabadaha ka jira howlgalkeeda, iyo xaaladaha bani’aadantinimo ee ka taagan guud ahaan dalka, xilli dalka ay ka jirto abaar ba’an oo saamayn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Intii lagu guda jiray kulanka, waxaa si gaar ah loo falanqeeyay saamaynta abaarta ee ku wajahan bulshada nugul, oo ay ka mid yihiin haweenka, carruurta, waayeelka iyo dadka naafada ah. Mas’uuliyiinta SoDMA ayaa sidoo kale sharaxay dadaallada socda ee gurmadka iyo maaraynta musiibooyinka.

Guddoomiyaha Guddiga, Senator Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle), ayaa ku ammaanay madaxda hay’adda shaqada ay Qaranka u hayaan, isagoo xusay in guddigu diyaar u yahay inuu kala shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha la soo bandhigay iyo talooyinka lagu xoojinaayo howlaha SoDMA.

Guddigu waxa uu sheegay in kormeerkan uu qeyb ka yahay dadaallada Aqalka Sare ee lagu xoojinayo hay’adaha adeegga bulshada iyo dabagalka ku saabsan xaaladaha bani’aadantinimo ee dalka ka jirta.

May be an image of ‎one or more people, dais, newsroom and ‎text that says "‎SOM Μ وواروت HAY'ADDA HAY 'ADDA ΛΑ) ●吉 MAALIYEED 10に ال لادارة الوطني الوطنيه طنب الو Osues‎"‎‎May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of ‎one or more people, dais and ‎text that says "‎10 AALIYEED سئة الو طني الوطني --------‎"‎‎

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here