GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta guddi u magacaabay dardargelinta iyo kasoo talabixinta Amniga magaalooyinka Puntland gaar ahaan kan Caasimadda
Magacyada Guddiga:
- Gen. Bashiir Cabdi Maxamed (Guddoomiye)
- Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Faroole (Xubin)
- Cabdirisaaq Ciise Xuseen (Xubin)
Madaxweynaha ayaa faray dhammaan laamaha Amniga iyo Hay’adda kala duwan ee Dowladda in ay guddiga kala shaqeeyaan howsha loo xil saaray, una fududeeyaan sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda.
Guddiga ayaa sameyn doona qiimeyn iyo kasoo talabixin hannaanka amniga lagu sugo, sidii loo joojin lahaa mukhaadaraadka iyo loona sii horumarin lahaa qosheyaasha amni ee dowliga ah.



![Lafta-Gareen oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/03/654262526_1519712886386424_7795626822133746026_n-150x150.jpg)
