GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 22 ee 30ka March 2022 kuna saabsan magacaabista Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga.
Madaxweynaha Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad
Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Puntland.
Markuu la tashtay: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland
Wuxuu Xeeriyey:
Magacaabid
1. Waxaa Cabdinaasir Maxamuud Daad loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
DHAMMAAD.