AFGOOYE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay weerar dhabagal ah oo ka dhacay gobolkaasi lagu dilay laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Koonfur Galbeed.
Labada askari oo kasoo baxay dhanka degmada Wanalweyn, kuna soo jeeday magaalada Afgooye ayaa waxaa waddada u galay xubno ka tirsan Al-Shabaab, kadibna toogasho ku dilay.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xubanaha dilka gaysteen ay hubka ka furteen labada askari, ayna si deg-deg ah goobta uga baxsadeen.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in labada askari ay ku socdaalayeen mooto, xilliga la dilayay, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Afgooye oo ku aadan dhacdadaasi.
Shabeelaha Hoose ayaa waxaa badanaa weeraro culus ka fuliso kooxda Al-Shabaab oo beegsata ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ee ka howlgala gobolkaasi.