MUQDISHO (SMN) – Duleedka degmada Balcad askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa tooktey laba wiil oo jira da’ada 20 sano.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in askariga dilka gaystay uu isku dayey inuu kufsado gabar markii laga celinayayna uu dilay labadaasi wiil.
Ciidmada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay askariga dilka gaystay oo la sheegay inuu kamid yahay ciidanka ilaalo qaran ee lagu soo tababaray dalka Eritrea.
Falkan ayaa waxa uu qeyb ka yahay dhacdooyin siyaabo kala duwan uga dhacay gudaha dalka oo askar ka tirsan ciidamada dowladda ay ku beegsadeen dad shacab ah.