Daawo: Askari bam-gacmeed ku weeraray hooyo maqaayad ku leh Tarabuunka

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar uu askari ka tirsan ciidamada dowladda ku qaaday maqaayad ku taalla agagaarka isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

 

Askariga ayaa la sheegay in bam-gacmeed uu ku weeraray hooyada iska leh maqaayaddaas oo lagu magacaabo Hooyo Cudbi, kadib markii uu muran soo kala dhex-galay.

Hooyada oo la hadashay Shabelle ayaa sheegtay in askarigan ay lacag hore ku lahayd balse, uusiin waayay, kadibna shalay uu yimid, isaga oo ka raba qado, kadibna uu sidaas ku yimid muranka, isaga oo bam ku tuuray, kadibna goobta ka baxsaday.

Khasaare u badan dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa, waxaana ku dhaawacmay goobta hooyada iyo laba gabdhood oo yaryar ah oo ay sidoo kale ayeeyo u tahay.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here