Askari lagu magacaabo Musiibo Qaran oo dil toogasho ah lagu xukumay

0

MUQDISHO (SMN) – Dable Asluub Maxamed Axmed Cabdi “Musiibo Qaran” , Dable Xoogga Jaamac Cabdiqani Jaamac( oo maqane ah) iyo Axmed Daahir Cabdi “Qiiqaalka” (oo maqane ah), ayaa lagu soo eedeeyey Jidgooyo iyo dhac ay ka dhalatay Dhimashada Ex Labo Xidigle Cabuqaadir Muxudiin Aadan oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka, falkaasi oo dhacay Habeen ku Tariikheysan Lix iyo Tobanka bisha labaad ee Sanadkaan.

 

Marxuumka iyo mid ka mid ah saaxibadiisa ciidmada oo ka soo baxay goobtooda shaqo oo aheyd Xerada Damaanyo ayaa ku soo dhex dhacay Eedeysanayaasha oo isbaaro u taalla laamiga dheer ee Xoosh ee degamdda Garasbaaley.

Eedeysane Maxamed Musiibo Qaran oo ku hubeysnaa qoray Ak 47 ayaa labo Xabad ku dhuftay Marxuumka, isaggoona ka qaatay Bistooladii uu watay.

Hay’addaha Ammaanka oo ku raad-joogay Eedeysaneyaasha, ayaa gacanta ku dhigay Dable AsluubMaxamed Axmed Cabdi “Musiibo Qaran” Afar iyo Tobankii Bishii April ee Sanadkaan, waxaana baxsad ah Dable Xoogga Jaamac Cabdiqani Jaamac iyo Axmed Daahir Cabdi “Qiiqaalka”.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Tobankii Bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay.

1- Maxamed Axmed Cabdi “Musiibo Qaran” dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Cabuqaadir Muxudiin Aadan.

Halka 2- Jaamac Cabdiqani Jaamac iyo 3- Axmed Daahir Cabdi “Qiiqaalka” oo labaduba maqane ah ay Maxkamadu ku xukuntay min sideed sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here