Askartii kusoo dhaawacantay dagaalkii Buulo-xaaji oo la keenay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa isbitaalka ku booqdey askartii shalay ku soo dhaawacantay dagaalkii ka dhacay duleedka Kismaayo ee khasaaraha culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

 

Dhaawacyada ayaa lasoo gaarsiiyay isbitaalka Madiino ee magaalada Muqdisho oo haatan lagu dabiibayo xaaladdooda caafimaad.

Labada taliye oo boggaadiyay guulaha laga gaaray dagaalladii ka dhacay deegaanada Buulo-Xaaji iyo Harboole ayaa caafimaad u rajeeyay askarta dhaawacantay ee haatan la keenay Muqdisho.

Ciidanka dowladda iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa shalay guul ka gaaray dagaalladii ay la galeen Al-Shabaan oo weeraro kusoo qaaday deegaano horay looga qabsaday.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

l

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here