Askartii lagu dilay Ceel Baraf oo maanta lagu wado in lagu aaso Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta lagu wado in magaalada Beledweyne aas loogu sameeyo todobadii askari ee dhowaan aanada qabiil loogu dilay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Qaban-qaabada aaska ayaa hadda ka socoto Beledweyne oo ay ku sugan yihiin odayaal dhaq-dhaqameedyo iyo taliyaha hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya.

Odayaasha dhaqanka beelaha Abgaal iyo Xawaadle oo arrintan ka wada-hadlay ayaa isku afgartay in la aaso maydadka, lagana war suga tallaabada ay qaadeyo dowladda dhexe.

Dilka askartan oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka ayaa dhaliyay caro xoogan, kadib markii loo dilay, si arxan darro ah, iyaga oo kasoo laabtay furimaha hore ee dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here