ATMIS oo ciidamada Xoogga dalka ku wareejiyay saldhigga Cabdalle Biroole

0

KISMAAYO (SMN) – Ciidamada ATMIS ayaa maanta ku wareejisay ciidamad Xoogga dalka saldhigga deegaanka Cabdalle Biroolle ee dowlad goboleedka Jubaland, taasoo ka dhigeysa xaruntii afaraad ee la wareejiyay inta uu bilawdey wajiga sedaxaad ee dhimista Ciidamada ATMIS.

 

Munaasabadda, ayuu ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika, Sivuyile Bam, hoosta ka xariiqay in ATMIS ay ka go’an tahay taageeridda Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya si loo soo celiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Sargaalka Xafiiska Qorshaynta Kala-guurka ee UNSOS, Santosh Koka, ayaa sheegay in UNSOS ay sii wadi doonto bixinta taageerada saadka si loo xaqiijiyo in uu kala-guurku guuleysto.

UNSOS waxay CXDS ugu deeqdey Matoorada korontada dhaliya, biyo  nadiifiyeyaal, taangiyada biyaha, ceel riig ah, iyo looxyada wax lagu xakameeyo.

Xil wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha qeybta 2-aad ee ATMIS, Sar. Seif Saalim Rashiid, Ku Xigeenka Duqa Magaalada Cabdalle Biroolle, Axmed Cali, Taliyaha la wareegaya hogaanka Saldhiga Cabdalle Biroolle, G/sare Maxamed Xasan Gaboobe, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ATMIS, UNSOS, iyo CXDS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here