ATMIS oo ku dhawaaqday howlgallo ka bilaabanaya magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Qoraal xalay ka soo baxay Taliska ATMIS oo loo diray safaaradaha caalamka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in inta u dhexeysa 10-ka illaa 16-ka bishan April ay gudaha xerada Xalane ka sameynayaan baaritaano.

“ATMIS waxay howlgal amni ka fulin doontaa saldhigga 10-ka illaa 16-ka April, si loo ogolaado hubin amni oo mideysan, xerada waxay gali doontaa xayiraad buuxda muddada kor ku xisan.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska ATMIS.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli Guddoomiyaha Midowga Afrika uu sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo ergeyga u qaabilsan Soomaaliya danjire Francisco Madeira , isaga oo walaac ka muujiyay war murtiyeedkii xafiiska Ra’isulwasaaraha ee lagu eryey Madeira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here