ATMIS oo sheegtay in qarax looga dilay askar kuwa kalena looga dhaawacay

0

MUQDISHO (SMM) – Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS ayaa sheegay in laba askari ay ku dhinteen ciidamo kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhashay miino kuwa la hago ah oo lala beegsaday kolonyo iskugu jirtay ciidamada Uganda iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo marayey jidka isku xira Muqdisho-Buufo-Baraawe, shalay.

War saxaafadeed kasoo baxay taliska ATMIS ayaa lagu xaqiijiyey weerarkaas, waxaana la sheegay oo kale in dhammaan inta ku dhaawacantay loo gudbiyey xarumo caafimaad.

War saxaafadeedka ATMIS ma sheegin fahfaahinta askarta dhimatay. Hase yeeshee wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa milatariga Uganda ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan milatariga Uganda uu dhintay lix kalena ay dhaawacmeen kadib qaraxaas.

Gaashaanle Patrick Opio Awany ayaa ku dhintay qaraxaasi ka dhacay tuulada Ceel-Wareegow, oo ilaa 70km Koonfur galbeed ka xigta Muqdisho, sida uu sheegay Ibrahim Kasule Sekitto, oo ah af-hayeenka u hadlay UPDF.

Af-hayeanka u hadlay mikatariga Ugada ayaa weerarka ku eedeeyey inay gaysteen ururka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here