MUQDISHO, Soomaaliya – Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa xaqiijiyay in Ciidamadii Burundi ee ku sugnaa saldhigga hore ee Xawaadley, oo ku yaalla waqooyi-bari Caasimadda Muqdisho, si nabad ah loo soo daad gureeyay sababo la xiriira fatahaad culus oo ka dhacday deegaanka.
Intii lagu guda jiray daad guraynta Isniintii, mid ka mid ah helikobtyarrada ayaa farsamo ahaan cilad soo wajahday. Si kastaba ha ahaatee, duuliyeyaashu si xirfad leh ayay diyaaradda ugu jiheeyeen si nabad ah oo ammaan ah inay ku degto.
Dhammaan ciidamada iyo shaqaalaha diyaaradda ayaa si guul leh loogu daad gureeyay saldhigga ugu dhow ee milateri, mana jirto cid dhaawac ama waxyeello ah oo la soo war geliyay.
AUSSOM waxay amaanaysaa askarta Burundi diyaar-garowgooda, taas oo suurtagelisay daad gurayn sahlan oo nabdoon.




