AUSSOM oo Beenisay In Khasaaro Xooggan ka Soo Gaaray Dagaalkii Bariire

0

Muqdisho – Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si adag u beeniyey wararka warbaahinta qaar ku sheegayaan in ciidamo badan oo ka tirsan AUSSOM lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Bariire, oo ku yaalla koonfur-galbeed magaalada Muqdisho.

 

Wararkaasi, ayuu howlgalka Midowga Afrika sheegay in uu faafisay Al-Shabaab oo sheegtay in gaadiid gaashaaman oo ay leeyihiin ciidamada Midowga Afrika la burburiyey, islamarkaana ciidamada AUSSOM ay ka baxeen deegaanka kaddib dagaal culus.

Hase yeeshee, AUSSOM waxay si cad u sheegtay in ciidamada ay iska kaashanayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (SNAF) ay 1-dii Agoosto bilaabeen howgal ballaaran oo lagu doonayo in lagu xoreeyo Bariire.

Bayaan kasoo baxay AUSSOM ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ay Al-Shabaab ku gaartay khasaaro xooggan, iyadoo la dilay in ka badan 50 dagaalame oo ka tirsan kooxda, tiro kalena ay dhaawacyo culus soo gaareen.

“Ciidamada AUSSOM iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed waa ay ka go’an tahay inay dib u qabsadaan magaalada Bariire iyo dhulalka kale ee wali ay kooxda Al-Shabaab ka arrimiso, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo amni buuxa oo shacabka Soomaaliyeed ay helaan,” ayuu yiri Danjire El Hadji Ibrahima Diene, oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC).

Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa si weyn loogu sii ambaqaaday gobollo badan oo dalka ka mid ah, iyadoo dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay dadaal xooggan ugu jiraan sidii loo dabar goyn lahaa khatarta kooxdaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here