BELEDXAAWO (SMN) – Maamulka Degmadda Beled-Xaawo ee Gobalka Gedo si gaar ah garabka taabacsan dhanka Dowladda ayaa kulan ay ku yeesheen degmadda waxa ay kasoo saareen Awaamiir culus oo ku saabsan amniga.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa amniga degmada si looga hortago weerarada Al-Shabaab iyo iyo in ay is fara saaraan ciidmada labada dhinac ee ku sugan gudaha magaalada.
Inta uu kulnaka socday ayaa waxaa laga soo saaray go’aamo ku socda shacabka ku dhaqan degmada Beled-xaawo, waxaana gabi ahaanba la mamnuucay gawaarida beensalka ama ay ku xiranyihiin Bacaha madow.
Sidoo kale waxaa la mamnuucay isticmaalka mootada ay ku xirantahay marada taasi oo ka dhigan in mootooyinka hadda kadib tallaabo laga qaadi doono.
Beled-xaawo ayaa kamid ah degmooyinka ay dhaq-dhaqaaqa ciidan ka waddo dowladda federaalka oo haatan dagaal adag kula jirta maamul goboleedka Jubbaland