Axmed Madoobe oo ballan qaad sameeyay haddii dib loo doorto

0

KISMAAYO (SMN) –  Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland oo lagu wado in berri ay ka dhacdo gudaha magaaladaasi.

 

Musharixiinta xilka madaxweynaha ayaa maanta hortegay xildhibaannada cusub ee golaha wakiilada Jubbaland, waxayan kala ahaayeen:- Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),  Faysal Maxamed Mataan, Abubakar Cabdi Xasan iyo Dr Cabdi Xasan Xajiin.

Dhammaantood waxa ay ka hadleen barnaamij siyaasadeedkooda ku aadan doorashada madaxweynaha, waxaana soo bixi doono hal madaxweyne oo kaliya.

Axmed Madoobe oo ah musharraxa ugu cad-cad doorashadan ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray waxyaabaha uu qaban doono, wuxuuna sheegay inuu doonayo in shaqadii uu soo waaday uu sii dhameystiro, Jubbalandna uu  kusii hoggaaminayo horumar iyo barwaaqo.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday khilaafka kala dhexeeya dowladda, isaga oo ballan qaaday haddii dib loo doorto inuu la shaqeyn doono, arrinta la’isku hayana xal rasmi ah laga gaari doono.

Dhinaca kale ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana ciidamo dheeraad ah oo loogu talagalay doorashooyinka lagu soo daadiyay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Doorashada Jubbaland waxaa dibad joog ka ah dowladda federaalka oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo Villa Soomaaliya oo ay isku qabteen hannaanka doorashooyinka dalka, taas oo keentay inay labada dhinac ku kala tegaan arrimaha siyaasadda, waxaana gabi ahaan meesha ka baxday wada-shaqeyntii Muqdisho iyo Ksimaayo.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here