Axmed Madoobe oo ka tegaya Muqdisho, kuna sii jeeda Kismaayo + Sababta

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan Garoonka Aadan Cadde ayaa goor dhoow la filayaa in uu u duulo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkiisa.

 

Safarka Axmed Madoobe ee maanta ayaa ka dhigan in uu fashilmay shirkii madasha ee maalmahaan Muqdisho uga socday Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul-goboleedyada.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ku adkeystay in aan laga hadli karin doorasho iyo masiirka umadda ilaa shirka ay ka soo qeyb galaan Puntland iyo SSC-KHAATUMO.

Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisulwasaarihiisa Xamse ayaa isku day badan sameeyay si Axmed Madoobe ay ugu qanciyaan ajandahooda Siyaasadeed balse kuma aysan guuleysan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u lumisay xiriirka Puntland, waxaana muuqata in Jubaland ay wadadaas qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here