MUQDISHO (SMN) – NMadaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay waxgaradka iyo odayaasha deegaanka Jannaa Cabdalle ee gobolka Jubada Hoose.
Madaxweynaha ayaa odayaasha ka dhagaystay baahiyaha ka jira deegaanka isagoo balan qaaday in Wasaaradaha iyo hay’adaha Dowladda ee shaqada ku leh adeegyada bulshada inay sida ugu dhakhsiyaha badan uga howlgali doonaan baahiyaha deegaanka ka jira.
Waxaa Madaxweynahu odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ku booriyay inay garab istaagaan wiilashooda heeganka ugu jira sugida nabadgalyada deegaanka.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-