Axmed Madoobe oo la shiray xubnaha mucaaradka Jubbaland + Sawirro

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay  siyaasiiyiinta mucaaradka ah ee Jubaland oo horey Madaxweynaha ay u yeesheen wada hadalo miro dhal ah.

 

Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa ka wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo midnimada shacabka reer Jubaland.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday sidii wadajir looga wada qayb qaadan lahaa howlgalka dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubaland iyo xaalada guud ee Siyaasada.

Jubbaland ayaa haatan isku diyaarineyso duulaan culus oo ka dhan ah Al-Shabaab oo ku aadan gobollada Jubbooyinka oo ay ku xoogan yihiin xubnaha Al-Shabaab.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here