KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay taliye cusub u magacaabay gobolka Gedo oo ay weli ay ka taagan tahay xiisad xoogan.
Wareegta uu soo saaray Axmed Madoobe ayaa waxaa uu xilka taliyaha ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee gobolka Gedo ugu magacaabay, Sarreeye Guuto Cabaas Ibraahim Cabdi (Gurey).
Halkan hoose ka aqriso:-
MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY TALIYAHA CIIDAMADA DARAAWIISHTA EE GOBOLKA GEDO.
Tix-raac: XM/DGJS/033/2023
UJEEDDO: MAGACAABIS TALIYAHA CIIDAMADA DARAWIISHTA GOBOLKA GEDO.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Markuu arkay:-Dastuurka Dowlada Jubaland, Cutubkiisa 4aad, Qodobka 72aad, Farqada(5aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha, ee magacaabida xubnaha Golaha Fulinta Jubaland.
Markuu Garwaaqsaday:- Muhiimada ay leedahay in dib loo dhiso Ciidanka Daraawishta Dowlada Jubaland qeybta Gobolka Gedo.
Markuu Latashaday:- Madaxweyne ku-xigeenada Dowlada Jubaland.
Wuxuu Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam u magacaabay, Sarreeye Guuto Cabaas Ibraahim Cabdi Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gobolka Gedo.
Magacaabistan waxay dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo wuuna sixiixay.
DHAMMAAAD.