KISMAAYO (SMN) – Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ka dhacday doorashada madaxweynaha maamulkaasi, waxaana markii saddexaad ku guuleystay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Axmed Madoobe ayaa helay 55 cod, waxaana la tartamay Cabdi Xajiin oo helay 16 cod iyo Abuubakar Cabdi Xasan oo helay 4 cod, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha wakiilada.
Madaxweynaha dib loo doortay Axmed Madoobe oo ay Shabelle wax ka waydiisay khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka ayaa sheegay in aanay aqooni uga baahneyn dowladda dhexe.