Axmed Madoobe oo si adag uga hadlay dagaalka ka socda Laascaanood

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu xusayay Kowda Luulyo ayaa si adag uga hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Axmed Madoobe ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhiigga weli ku daadanaya magaalada Laascaanood oo ay haatan ku dirirayaan Somaliland iyo SSC-Khaatuma.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa mas’uuliyadda dhibaatada ka taagan halkaasi ku eedeeyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isaga oo sheegay inuu wado wax uu shalay diidayay.

Sidoo kale waxa uu intaas ku daray in xalka uusan ku jirin xabad, balse loo baahan yahay in la wada-hadlo, si looga baaqsado dhiig mar kale ku daata halkaasi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo mar kale uu dagaalka dib u qarxay magaalada Laascaanood, waxaana ugu dambeeyay xalay oo madaafiic lagu garaacay magaaladaasi, xilli ay ka socotay munaasabad loogu dabaaldagayay xuska 63-aad ee Kowda Luulyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here