BAAQ: Xildhibaanada Dowlada Federaalka

0

Qoraalkan wuxuu si toos ah ugu wargelinayaa Xildhibaanada Federaalka Soomaaliya in xilka iyo mas’uuliyadda saaran ay tahay mid qaran. Waxaa lagu baraarujinayaa inay ku dhaqmaan dastuurka, ka fogaadaan ku tiirsanaanta beesha caalamka, ayna u istaagaan xalinta arrimaha dalka si mas’uuliyad leh.

 

Waxaa idiin hartay dhowr bilood oo uu sii jiro Baarlamaankan, waana fursad dahabi ahoolagu sixi karo waddada qaldan(ismariwaaga siyaasadeed) ee dalku qaaday.

Xildhibaanow, waxaad haysataa awood qaran iyo sharaf dadweyne —laakiin adigaa laga rabaa inaad u adeegto shacabka oo aad ku dhaqanto dastuurka dalka u yaal. Ma jiro sharaf ka weyn inaad ka mid noqoto kuwii adkeeyey dowladnimada Soomaaliyeed, taariiqdana baal dahab ah aad ka gasho.

Beesha Caalamka Ha Ku Qasbin Inay Idin Soo Farageliso!

Marar badan waxaa dhacda in khilaafaadka siyaasadeed aan xal laga gaarin, ay beesha caalamka ku qasabto inay farageliso.

Tusaale Caalami Ah: Soomaaliya (2008)

Sanadkii 2008, Soomaaliya waxay la kulantay burbur siyaasadeed. Markii ay ku fashilmeeninay xal dhexdooda ah ay ka gaaraan khilaafkoodii siyaasadeed, Beesha caalamka ayaa soodhex-gashay. Waxay xal u arkeen in madaxweyne cabdullaahi yusuf uu iscasilo, waxayna xalisay khilaafkii, laakiin taariikhda waxay xustay dayacaad siyaasadeed inay ka dhex dhacday siyaasiyiintii Somaliyeed oo uu kow ka ahaa Baarlamaankii kumeel gaarka ahaa.

Su’aasha ayaa ah: Ma doonaysaa in lagugu qoro taariiqda bogga wanaagsan mise bogga qoomamada? Adaa u madaxbanaan maanta xildhibaanow inaad kala doorato fursadahaas.

Xildhibaanow, Waa Fursad Dahabiga Ah:

Difaac qaranimadii iyo somalinimadii aad u dhaaratay, qof walba oo idinka mid ah ilaahhortiis ayaad masuuliyadaas ku qaadeen. -Xali ismariwaaga siyaasadeed ee maanta jira,

– U hiili cadaaladda
– Soo celi kalsoonidii shacabka!
– Dhiiri geli doorasho xor ah oo wada ogol ah.

Gunaanad

Sharcigu waa mid loo wada siman yahay. Mas’uuliyadda Baarlamaankana waa mid taabaneysa nolol maalmeedka qof kasta oo Soomaaliyeed. Ha bixin fursad ah in beesha
caalamku idin saxdo. Maanta ayaad awood u leedahay inaad wax saxdo adigoo xor ah.

Qalinkii: Mohamed Musse

Madaxii ciriirka caalamiga ah ee guddiga doorashada heer Federaal (2021-2022)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here