Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Kalfadhigiisa 7-aad Furaya 20-ka Sebteembar

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka uu si rasmi ah u furmi doono maalinta Sabtida ah ee 20-ka Sebteembar 2025.

 

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiisyada Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in kulanka furitaanka kalfadhiga uu dhici doono iyadoo la raacayo jadwalka dastuuriga ah, waxaana lagu wadaa in si rasmi ah looga doodo arrimo muhiim u ah masiirka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka.

Kalfadhigan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu wajahayo xaalado muhiim ah oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah argagixisada, diyaarinta doorashooyinka, iyo dib-u-eegista Dastuurka KMG ah.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Xukuumadda Federaalka ay hor keento hindise-sharciyeedyada muhiimka ah ee horyaalla golayaasha sharci-dejinta.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here