Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulan wadajir ah, kana dooday wax-ka-beddelka Dastuurka

0

Muqdisho – Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 12-aad ee wadajirka ah. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, waxaana wehelinayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde.

 

Xildhibaanada labada Aqal ayaa sii amba-qaaday ka doodista cutubka Afaraad ee Dastuurka KMG ah, iyagoo si gaar ah uga dooday wax-ka-beddel kooban oo ku saabsan qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad. Ka dib doodo dheer, Xildhibaanadu waxay soo gabagabeeyeen ka doodista cutubka Afaraad ee Dastuurka.

Dhanka kale, Xildhibaanada labada Aqal ayaa maanta bilaabay ka doodista qodobada cutubka Shanaad ee Dastuurka KMG ah. Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare, oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in dooda cutubka Shanaad ay sii socon doonto, isla markaana lagu wadi doono kulanka xiga.

May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here