Muqdisho – Sabtidii, xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka intii lagu guda jiray kalfadhigooda maanta.
Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Khadija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa si weyn u soo dhaweeyay ansixinta guddigan oo ay xildhibaannadu maanta ku meel mariyeen, iyadoo tilmaantay in Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta xuquuqul insaanka.
“Go’aankan taariikhiga ah wuxuu calaamadeynayaa talaabo weyn oo lagu xoojinayo cadaaladda, isla xisaabtanka, iyo ilaalinta xuquuqul insaanka Soomaaliya. Waa waqti lagu faano oo guul weyn u ah dadka Soomaaliyeed. Aasaaska guddigan, oo ka dhashay qorsheyn iyo dadaal joogto ah, wuxuu farriin cad u diraa caalamka in Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta xuquuqul insaanka iyo dhisida hay’ado qaran oo xooggan,” ayay tiri Al-Makhzoumi.
Wasiiraddu waxay intaas ku dartay, “Guushii dhoweyd ee shirkii Xuquuqul Insaanka ee QM ka dhacay Geneva, ayaa muujinaysa horumarka sii socda ee Dowladda Danta Qaranka ku hagto sidii loo horumarin lahaa codka, qiyamka, iyo aragtida Soomaaliya ee heer caalami.”
Ansixinta guddigan ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka ciyaarto horumarinta ilaalinta xuquuqul insaanka iyo xoojinta hay’adaha dowladda ee dalka.




