Muqdisho, 23 Disembar — Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyaga oo si rasmi ah u ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026, taas oo gaareysa $1,386,807,242.
Guddoomiyaha Guddiga Wadajirka Miisaaniyadda Labada Aqal, Xildhibaan Cabdi Warsame Qowdhan, ayaa Golaha u soo bandhigay warbixinta akhrinta saddexaad ee miisaaniyadda, isagoo faahfaahin ka bixiyay qodobada ugu muhiimsan ee lagu saleeyay qorshaha miisaaniyadeed ee sanadka soo socda.
Natiijada codbixinta ayaa muujisay in 174 xildhibaan ay oggolaadeen miisaaniyadda, afar ay ka horyimaadeen, halka hal xildhibaan uu ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.
Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2026 ayaa si gaar ah loogu daray dhaqaale loogu talagalay maaraynta abaaraha, iyadoo laga digay in dalka uu wajihi karo abaar la mid ah tii dhacday sanadkii 2011, haddii uusan roobku si ku filan u da’in.
Guddiga Miisaaniyadda Baarlamaanka ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay soo jeedisay in dhaqaalahaas loo adeegsado wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee ka dhasha abaaraha.
Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdillaahi, oo ka tirsan Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka, ayaa sheegay in $2.2 milyan oo doollar oo keliya loo qoondeeyay maaraynta abaaraha, isla markaana ay ku shaqeyn doonto guddi gaar ah.




