BF Soomaaliya oo soo farogeliyay cabashada ganacsatada Qaadleyda

0

MUQDISHO (SMN) –  Xildhibaan Muqtaar Axmed Saajid oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay xiisadda ka dhalatay qaadka, kadib markii ay cabasho xoogan muujiyeen ganacsatada jaadka ee magaalada Muqdisho.

 

Ganacsatada ayaa maalmahan dambe ka cabanayay lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay, waxayna dhigeen dibad-baxayo.

Xildhibaan Saajid ayaa hoosta ka xariiqay in maalin kasto 70 kun oo dollar ay kasoo xarooto qaadka, balse aysan ku dhicin qasnadda dhexe ee dowladda.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in canshuurta iibka ee hadda lasoo rogay aan loo baahan lahayn, haddii si sax loo maareyn lahaa canshuurta qaadka.

“70-kun ayaa maalin kasta ka soo xarooda Jaadka, maxaa loogu ridi waayey qasnada Dowladda” ayuu yiri Xildhibaan Mukhtaar Saajid.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here