Copenhagen – Arday Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Mustaf Maxamed Taakoy ayaa waayay deeq waxbarasho oo uu ka helay Jaamacadda Copenhagen ee dalka Denmark, kaddib markii hay’adda socdaalka dalkaasi ay ku gacan sayrtay codsigiisa fiisaha sababo la xiriira baasaboorka uu wato — oo ah kan Soomaaliya, oo aan la aqoonsan.
Mustaf, oo 30 jir ah, ayaa sanadkii hore loo aqbalay barnaamijka Master-ka ee Deegaanka iyo Horumarka Caalamiga ah, isaga oo qorsheynayay inuu waxbarashadiisa bilaabo bisha Sebteembar. Waxa uu helay deeq buuxda oo Erasmus Mundus ah, caymis caafimaad, iyo oggolaansho rasmi ah oo uu jaamacadda ka haystay.
Hase yeeshee, laba bilood kaddib codsigii fiisaha uu gudbiyay si waafaqsan sharciga, waxaa loo sheegay in codsigiisa la diiday. Hay’adda Socdaalka iyo Qaxootiga Denmark (SIRI) ayaa ku wargelisay in baasaboorka Soomaaliya aanu ahayn “dukumeenti safar oo sax ah” sida ay qawaaniinta dalku sheegayaan.
“Bal qiyaas qof haysta deeq buuxda oo ka helay Jaamacadda Copenhagen, haddana lagu diiday baasaboorkiisa. Ma dooran inaan ku dhasho Soomaaliya, qofna ma doorto halka uu ku dhasho,” ayuu Mustaf yiri, isagoo ka hadlayay niyad-jabkiisa.
36 qof oo kamid ah asxaabtiisa ayaa warqad racfaan ah u diray guddiga socdaalka Denmark, iyagoo codsaday in go’aanka dib loo eego. Mustaf qudhiisa ayaa racfaan u gudbiyay guddiga racfaanka socdaalka, isagoo bixiyay $140, hase yeeshee illaa iyo hadda jawaab kama helin.
In kasta oo uu sheegay inuu niyad-jab dareemayo, Mustaf weli rajo ayuu ka qabaa mustaqbalkiisa. Wuxuu qorsheynayaa inuu sanadkan dambe mar kale codsado deeqda, isagoo ku rajo weyn in mar kale loo oggolaado.
Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991, baasaboorka Soomaaliya ayaa ka mid ahaa kuwa ugu liita caalamka, iyadoo dalal badan oo reer Galbeed ah — ay ku jirto Denmark — aysan aqoonsanayn. Arrintan ayaa caqabad weyn ku noqotay dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay wax ka bartaan ama ay safraan caalamka, iyagoo mararka qaar waaya fursado muhiim ah oo noloshooda beddeli lahaa.




