BOOSAASO [SMN] – Taliska Ciidanka maamulka Puntland ayaa soo bandhigay 4 baasaboor iyo 2 aqoonsi [IDs] ay ka carareen dagaalyahano ajaaniib ah oo ka barbar dagaalamayay Ururka Daacish oo hadda laga saarey dhowr saldhig oo ku lahaa buuraha Cal-Miskaad, ee gobolka Bari.
Sidoo kale, waxay Saraakiisha soo bandhigeen xubno kamid ah Daacish oo howlgalka lagu qabtay, kuwaasoo ajaaniib ay ku jiraan, waxaana wali la shaacin dalalka ay kasoo jeedaan, inkastoo wararku ay sheegayaan inay ka kala yimaadeen Itoobiya, Sacuudiga, Yemen, Marooko iyo Tanzania.
Waxay dagaalyahanada ajnabiga uga carareen saldhigyada lala wareegay kaarar bangi oo u isticmaalayeen lacagaha inay ugala baxaan ATM-ka. Baasaboorada la qabtay waxaa kamid ah mid Sacuudi ah, oo uu watey nin kasoo galay dalka Soomaaliya xadka Itoobiya, soona maray degaanada Somaliland, kadibna galay buuraha G/Bari.
Tani waxay muujinaysa in dalka ay yimaadeen dagaalyahano badan oo ajnabi ah, si ay uga dhinaca dagaalamayaan Daacish, oo 2015 C/qaadir Muumin ku aas-aasay buuraha Cal-Miskaad, oo hadda lagu weeraray. Kooxdan ayaa dhawaan weerartay saldhiga Dharjaalle, halkaasoo looga dilay illaa 8 xubin oo ajnabi ahaa.