Banaan-bax looga soo horjeedo weerarkii Liido oo ka dhacaya Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta lagu wadaa inuu ka dhaco dibad-bax wayn oo ay soo qaban-qaabisay dowladda Soomaaliya.

 

Dibad-baxan waxaa sidoo kale ka qayb-galaya shacab isaga kala imaanaya degmooyinka gobolka Banaadir iyo shaqaalaha dowladda.

Ujeedka banaan-baxa ayaa ah mid looga soo horjeedo weerarkii Al-Shabaab ay Jimcihii ku qaadeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo shacab badan lagu laayay.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa goobta kula hadli doono dibad-baxayaasha, ayada oo sidoo kale aad loo adkeeyay ammaanka waddooyinka soo gala xeebta Liido.

Si kastaba, weerarkii Al-Shabaab ee xeebta Liido ayaa dhaliyay saameyn xoogleh oo soo gaartay shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, waxaana ka dhashay su’aalo iyo shaki xoogan oo ku aadan sida Al-Shabaab ay ugu suuragashay inay goobtaas beegsadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here