Muqdisho – Banaanbax ballaaran oo lagu taageerayay doorashooyinka qof iyo cod ayaa xalay gilgilay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Taleex, halkaas oo dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir ay isugu soo baxeen.
Dibadbaxayaasha ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin erayo taageero u ah nidaamka doorashada qof iyo cod, iyaga oo muujinayay taageero buuxda oo ay u hayaan hannaanka cusub ee dimuqraadiyadda ee laga hirgelinayo gobolka Banaadir.
Qaar kamid ah dadkii kasoo qeyb galay banaanbaxa ayaa la hadlay warbaahinta, iyagoo sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ugu dambeyn la gaaray heer la diiwaangeliyo codbixiyeyaasha, ayna rajeeynayaan doorasho xalaal ah oo xor iyo xasilooni ku dhacda.
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), oo isna banaanbaxa ka hadlay, ayaa sheegay in gobolka Banaadir uu si buuxda ugu diyaar garoobay qabashada doorashooyinka qof iyo cod.
“Gobolka Banaadir waa uu u diyaarsan yahay doorashooyinka. Dadweynaha si hufan ayaa loo diiwaangeliyay, waxaana sugaynaa in doorashadu si nabad ah ku dhacdo,” ayuu yiri Yabooh.
Guddiga doorashada ayaa dhankooda xaqiijiyay in lasoo gabagabeeyay diiwaangelinta codbixiyeyaasha gobolka, iyadoo tirada guud ee la diiwaangeliyay ay gaarayso ku dhawaad hal milyan (1,000,000) oo qof.
Doorashada golayaasha deegaanka ee gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in la qabto bisha tobnaad ee October, taas oo noqon doonta tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka hirgelinta nidaamka doorasho ee ku dhisan hal qof hal cod.




