MUQDISHO (SMN) – Guddiga Sare ee Maamulka Baanka Adduunka ayaa ansixiyay deeq lacageed oo dhan $75 milyan oo loogu talagalay dowladda federaalka Soomaaliya
Lacagtan ayaa si gaar ah loogu adeegsan doonaa kabka miisaaniyadda Dowladda, waxayna ka timid barnaamijka horumarinta Siyaasadda Dhaqaalaha (DPO).
Bangiga Adduunka ayaa sheegay in Soomaaliya ay waddo hirgelinta barnaamijkeeda dib u habaynta, si loo kobciyo awoodda hay’adaha dawliga ah, loona soo jiito maalgashadayaasha isla markaana loo gaadho koboc dhaqaale oo loo dhan yahay iyo shaqo abuur, kuwaas oo ku lingaxan qorshaha horumarinta qaran ee sagaalaad.
Dhankeeda Dowladda Federalka Soomaaliya waxa ay si buuxda u soo dhaweyneysaa, kana mahadcelinaysaa taageerada Miisaaniyadeed ee Bangiga Adduunka uu ugu deeqay Dowladda Soomaaliya.
Taageeradaan Maaliyadeed waxa ay imaaneysaa xilligii ugu habooneyd ee dowladdu ay guul ka gaartay dib-u-habeynta dhaqaalaha, waxa ayna sahlaysaa in si habsami leh ay u siiscodaan dadaalada aan ugu jirno kobcinta dhaqaalaha loo dhan yahay.
Halkan hoose ka aqriso warsaxaafadeedka:-