Bangiyada oo Lacag la’aan soo wajahday markii ay iibsadeen dhulka dowladda

0

MUQDISHO [SMN] – Kumaan qof ayaa halis ugu jira in ay waayaan lacagihii ay ku keedsadeen qaar kamid ah Bangiyada dalka, kadib markii la sheegay in qaarkood ay dhulka dowladdu xaraashayso ay ku gateen lacagihii ay dadku dhigteen.

 

Xog ay heshay Shabelle ayaa sheegaysa in Bangiyadu ay la’yihiin cid kasii iibsata dhulalkaasi, mana noqon sidii ay filayeen oo markii hore waxa ay ku xisaabtamayeen in ay ka helaan Macaash.

Bangiyada gaarka loo leeyahay ee mugadisho ayaa qarka u saaran in ay burburaan, waxaana ka dhamaaday lacagihii Kaashka ay hayeen, oo way ku adagtahay in macaamiishooda ama dadka dhigtay lacagaha ay siiyaan lacago Cash ah.

Bangiyada qaarkood ayaa lacagohooda galiyay dhul ay ka dhiseen guryo, wayna ku Khasaareen kadib markii ay waayeen cid degta ama dib uga iibsata maadaama istraatiijiyad ahaan aysan ku habooneen in la dago guryahaasi.

Sida caadiga ah bangiyadu way sameeyaan maalgashiyo kala duwan lkn waxa ay ku xirantahay awooda dhaqaale ee bangiyada iyo in ganacsiga ay maalgashiga ku sameenayaan uu yahay mid laga soo saari karo Lafaha iyo Faa’idada laga doonayo.

Khubarada dhaqaalaha ayaa walaac ka muujinaya cash l’aanta oo loo aaneynayo dhulkii bangiyadu cashaka ka bixiyeen oo ay la’yihiin wax ka iibsada

Bangiyada gaarka loo leeyahay waxaa yaala hantida dadka Soomaaliyeed kuwaasi oo ku aaminay hantidooda si ay ugu nabad gasho ayna uga helaan xiliga ay u baahnaadaan.

Hadii Xaalku sidan ku sii socdo oo Bangiyadu ay waayaan cid ka iibsata dhulkii ay ku qarash gareeyeen Hantidii lagu aaminay, waxaa meesha ka baxaya gabi ahaamba bangiyadaasi iyadoo dadkii aaminay ay soo wajihi doonto khasaara xoog leh.

In ka badan 100 Xildhibaan oo ka tirsan labada Gole ee BJFS ayaa dhawaan soo saaray Warsaxaafadeed ay Bulshadda qeybaheeda kala duwan iyo Ganacsatada uga digayaan in ay iibsadaan dhulalka ay DFS kaga gadayso sifo sharcidaro ah iyo Habraacyo aan sax aheyn, waana sababta ay Bangiyadu u la’yihiin cid kasii gadata dhulalkaas ay Dowladda kaga iibsadeen lacagihii ay dadka ku keydsadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here