Barakac ballaaran ayaa lagu soo warramayaa in uu ka socda degaanno hoos yimaada Degmda Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, oo qiyaas ahaan 30km dhanka koonfur galbeed uga beegan Magaalada Muqdisho.
Barakacan ayaa yimid kadib markii dadka shacabka oo u badan beeraley ay soo wajahday cabsi la xiriirta in Ciidanka Dowladda ay weerar ku qaadaan degaanno halkaasi ku yalla oo ay maamulaaan Kooxda Al Shabaab.
Dadka degaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in lagu dul dagaalamo maadaama Ciidanka Dowladda iyo kuwa Al Shabaab ay isku hayaan qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose.
Degaanno dhowr ah oo ay ka mid yihiin Sabiid iyo Caanoole ayaa lagu soo warramayaa in weli ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Kooxda Al Shabaab kadib markii halkaasi dhowaan ay isaga soo baxeen Ciidanka Xoogga Dalka.
Dhowaana ayay aheyd markii Al Shabab ay dib u qabsadeen Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose kadib markii ay halkaasi ku qaadeen weerar ku bilowday qaraxyo, waxaana xusid mudan in Gobolka ay ka dhaceen deqeymo dhanka cirka oo lagu beegsanayay dagaal yanahada Al Shabaab.




