MUQDISHO – Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan u dambeyey marti gelisay kulamo isdaba joog ah oo ay qabanayeen xubnaha Madasha Mucaaradka Samatabixinta, kuwaasoo si adag uga soo horjeestay howlgalka ay dowladda Federaalka ku burburinayso dhismayaasha laga dhisay dhulalkii danta guud.
Mucaaradka ayaa sheegay in barakicintaasi ay si toos ah u saameyneyso dad shacab ah oo aan haysan beddel ku filan, isla markaana aan helin magdhow ama qorshe barakicintooda lagu maareynayo. Arrintan ayaa dhalisay dood ballaaran oo siyaasadeed, mid bulsho iyo mid sharciyeedba leh.
Si kastaba ha ahaatee, doodahaasi ayaan dhammaantood aheyn kuwa taageero u muujinaya Madasha. Siyaasiga Sheekh Cusmaan Barre, oo ahaa guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa si kulul u dhaliilay Madasha Samatabixinta. Isagoo la hadlayey Idaacadda Shabelle, ayuu ku tilmaamay mucaaradka “qeylo dhaan siyaasadeed” oo ka fog xaqiiqda, wuxuuna sheegay in Madasha aysan aheyn mid sharciyad buuxda leh, isla markaana ay u muuqato in ay colaad siyaasadeed hurinayaan.
“Waa dad aan garaneyn halka ay u socdaan, dastuurka lama raacayo haddii koox koox la isugu tago oo la yiraahdo mucaarad baan nahay, dowladuna waa in ay ilaalisaa danaha guud,” ayuu yiri Sheekh Cusmaan.
Doodaha ku saabsan barakicinta shacabka caasimadda ayaa kusoo beegmaya iyadoo dalka uu wajahayo caqabado siyaasadeed oo culus, kuwaas oo ay ka mid yihiin dib u eegista Dastuurka, hannaanka doorashooyinka la filayo, iyo su’aalo la xiriira maareynta hantida guud.
Siyaasiyiinta mucaaradka iyo taageerayaashooda ayaa ku adkeysanaya in howlgalka dowladda uu yahay mid aan waafaqsaneyn xuquuqda muwaadinka, halka dowladda iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta taageersan ay ku doodayaan in la xoojinayo nidaamka dowladnimada iyo ilaalinta hantida dadweynaha.
Isku soo wada duuboo, xiisadda siyaasadeed ee ka jirta Muqdisho ayaa u muuqata mid sii xoogeysaneysa, iyadoo aan weli la helin xal ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada.




