Beesha caalamka oo soo dhaweysay dhameystirka dastuurka Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Warsaxaafadeed ay soo saareen xubnaha beesha caalamka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan wax ka beddelka dastuurka KMG ah.

 

Beesha caalamka ayaa si weyn usoo dhaweysay dadaallada dowladda federaalka ee ku aadan dhammeystirka dastuurka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya* waxay bogaadinayaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federaalka ah ee lagu xaqiijinayo u hogaansanaanta Soomaaliya ee waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa heer gobol ee khuseeya xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan xuquuqda carruurta. Waxaan rajeyneynaa iskaashi [sii socda] mustaqbalka oo aan la yeelano Soomaaliya oo iyadu  xoojineysa dowrka ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah.

Waxaan sidoo kale qireynaa ku-talagalka adag ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku talagashay horumar ay ka sameyso dhameystirka Dastuurka, waxaana ku boorineynaa dhammaan saamileeyda inay sii laba jibbaaraan dedaalladooda ku aaddan dhisidda  wadar-oggol loo marayo geeddi-socod loo dhanyahay.

Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub , Finland, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here