Beesha caalamka oo war cusub kasoo saartay doorashada madaxweynaha

0

MUQDISHO (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wakiilada beesha caalamka ayaa waxaa looga doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo loo ballansan yahay 15-ka bishaan May.

Qoraalka Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay inay soo dhoweyneyso dadaallada horumarka ee laga gaaray dhammeystirka doorashada Soomaaliya.

Halkan hoose ka aqriso:-

Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya waxay soo dhoweynayaan ku dhawaaqista guddiga qabanqaabada baarlamaanka ee ah in doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto maalinta Axadda ee 15ka bisha Maajo 2022. Waxaa na dhiirigelinaya horumarka wanaagsan ee laga gaaray diiwaangelinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo u diyaargarowga kale ee loogu jiro inaan laga dib dhicin waqtiga kama dambeysta ah ee doorashada.

Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo sabab u noqon karta dib u dhac kale oo dheeraad ah. Iyadoo labada Aqal ee Baarlamaankaba la dhaariyay oo si buuxda u shaqeynayaan, arrin kasta oo doorasho oo taagan waa in ay xalliyaan madaxda baarlamaanka ee sida saxda ah loo doortay.

Waxaan ku boorinaynaa madaxda Soomaaliya inay si degdeg ah, nabdoon oo kalsooni ku dheehan tahay ku soo gabagabeeyaan marxaladdan kama dambeysta ah ee geeddi-socodka doorashada si loogu soo jeesto arrimaha dalka iyo dowlad-dhisidda ee mudnaanta leh.

Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here