MUQDISHO (SMN) – Kulan kaan oo ay isugu yimaadeen waxgaradka, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, dhalinyarada iyo Haweenka beesha daarood ee ku nool gobolka banadir ayaa ujeedadiisu aheyd taageerida doorashooyinka iyo wacyigalinta dib u heshiisiinta.
Gudoomiyaha degmada Cabdicasiis Ee gobolka Banaadir Ubax saalax Ugaas oo gogoshaan fidisay ayaa sheegtay in qeybaha kala duwan bulshada beesha daarood ee kudhaqan gobolka banadir ay diyaar uyihiin sidii ugu qeyb qaadan lahaayeen doorashooyinka golaha deegaanka ee la filaayo in ey ka qabsoomaan gobolka banaadir.
Dhammaan wasiiradda, xildhibaanada iyo qeybaha kala duwan Ee kulankaa ka hadlay ayaa iskuraacay in taageero loo muujiyo doorashoyinka dalka u jiheystay iyo wacyigalinta dib u heshiisiinta ummada soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii kulankaa ayaa lagu ansixiyay gudiga guurtida beesha daarood ee gobolka Banaadir kuwaa oo ka kooban ( kow iyo labaatan xubnood.