MUQDISHO (SMN) – Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Vila Hargeysa,ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa, Hindise Sharciyeedka Ururrada iyo Xisbiyadda Siyaasadda JFS, Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka iyo midka dhismaha guddiga Madabanaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha.
Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa labada Gole ka hor akhriyay ahmiyadda ay shurucdaan u leeyihiin dalka iyo dadka,isagoo sheegay in seddexda hindisa sharciyeed ee Golaha horyaal dib u babeen iyo wax kabadal lagu sameeyay.
Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo ah Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee labada gole u qaabilsan diyaarinta xeerarka doorashooyinka ayaa Golaha ka hor akhriyay habraaca fadhiyadda wadajirka ah ee ansixinta seddaxda Hindise Sharciyeed ee uu ku shaqeyn doono Guddiga Kumeel gaarka ah.
Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulan wadajir ah ayaa ansixiyay habraaca fadhiyadda wadajirka ah ee ansixinta seddaxda Hindise Sharciyeed ee uu ku shaqeyn doono Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka, soohdimaha iyo sidoo kale qorshe howleedka guddiga, waxaana ogolaatay 170-Xildhibaan, mana jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay.
Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan magacaabay guddigan Kumeel gaar ah oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka, kuwaas u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha.