BF Soomaaliya oo maanta wax ka beddelaya nuqulo ka mid ah Dastuurka

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta kulan wadajir ah ay ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

 

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa qorshuhu yahay in cod loogu qaado, qodobbo ka mid ah dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka doodayay afarta cutub ee ugu horreyso Dastuurka kaas oo ay maanta ansixin doonaan, sida uu qorshuhu yahay.

Villa Soomaaliya ayaa gadaal ka riixeysa wax ka beddelka Dastuurka, hayeeshee waxaa diidan oo kasoo horjeeda xubnaha mucaaradka ah iyo sidoo kale maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here