Biden oo aqbalay inuu ka tanaasulo tartanka doorashad Mareykanka,

0
President Joe Biden poses for his official portrait Wednesday, March 3, 2021, in the Library of the White House. (Official White House Photo by Adam Schultz)

WASHINGTON (SMN) – Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa aqbalay in uu ka tanaasulo tartanka doorashada madaxtinimo ee Mareykanka, sida uu baahiyay warbaahinta garabka midig ee NewsMax.

 

Madaxweyne Biden ayaa haatan ku sugan gurigiisa oo ku yaalla Vermont isaga oo karantiilan kaddib markii uu ku dhacay caabuqa COVID-19.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu gudan doono waajibaadkiisa isaga oo jooga gurigiisa.

Sidoo kale afhayeenkii hore ee aqalka Congress-ka Nancy Pelosi ayaa si gaar ah ugu sheegtay madaxweyne Joe Biden dhawaan in uusan ka adkaan karin Donald Trump doorashada November 2024, maadaama caafimaadkiisa Maskaxda aan wanaagsanayn, islamarkaana uu 81 jir yahay, iyadoo ugu baaqday in uusan burburin fursadaha xisbiga Dimuqraadiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here