Biixi oo Ka Qeyb Galay Shirka 23-aad ee Wasiirada Maaliyadda Geeska Afrika ee Addis Ababa

0

ADDIS ABABA, Itoobiya — Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya halkaas oo lagu qabanayo shirka 23-aad ee Wasiirada Maaliyadda Iskaashiga Geeska Afrika (Horn of Africa Initiative).

 

Shirka, oo soo bandhigay madal ra’yi is-weydaarsi heer sare ah, ayaa lagu soo bandhigay dood muhiim ah oo ku saabsan sidii loo fulin lahaa mashaariicda horumarineed ee ka dhexeeya dalalka geeska Afrika.

Wasiirada Maaliyadda ee dalalka geeska ayaa goob joog ka ahaa shirka, waxaana sidoo kale ka qayb galay ku dhawaad 300 oo marti dadweyne oo matalayay dalalka geeska.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi, ayaa diiradda gaar ah saaray muhiimadda ay leedahay fududeynta isku socodka ganacsiga xuduudaha iyo maalgalinta ilaha dhaqaalaha, si looga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee gobolka.

Wasiir Biixi ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogan ugu jirto sidii loo heli lahaa maalgalin dhinacyo badan ah, taas oo loo adeegsan doono kobcinta dhaqaalaha dalka, islamarkaana lagu yareyn karo ku tiirsanaanta taakulooyinka dibadda.

Shirka ayaa noqonaya fursad muhiim ah oo ay dalalka geeska Afrika ka wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale iyo horumarka gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here