Booliiska Degmada Wadajir oo Gacanta Ku Dhigay Burcad Dhacaysay Moobeelada

0

Muqdisho – Booliiska degmada Wadajir ayaa xalay howlgal qorsheysan ka sameeyay xaafado ka tirsan degmadaas, iyagoo kusoo qabtay koox burcad ah oo ku foofnaa dhaca moobeelada, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay saldhigga booliiska degmada.

 

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in eedeysanayaashan ay yihiin dhalinyaro si joogto ah u caadaystay inay dhac u geystaan shacabka ku nool Wadajir, isla markaana lagu qabtay iyagoo ku guda jira fal dambiyeed.

Booliisku waxay sheegeen in raggaan burcadda ah ay adeegsanayeen bastoolado ciyaal u eg, kuwaas oo ay shacabka ku cabsi gelin jireen si ay moobeelada uga dhacaan.

Eedeysanayaasha ayaa loo gudbiyay saldhigga booliiska Wadajir, halkaas oo lagu wado in baaritaanno dheeraad ah lagu sameeyo, waxaana booliisku balanqaadeen in sharciga la hor keeni doono.

Booliiska degmada Wadajir ayaa sidoo kale xusay inay horey dhowr jeer gacanta ugu dhigeen kooxo burcad ah oo dhib ku hayay dadka ku nool xaafadaha degmada, ayna sii wadi doonaan dadaallada ay ugu jiraan xaqiijinta amniga guud ee bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here